Madaxweynaha Cusub oo maanta Magacaabay laba Xil oo Muhiim u ah hawlaha Madaxtooyada

Cukuuse iyo Xirsi

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada ayaa ku dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed

Administration Area

This script had special safemode, register_globals or .htaccess requirements. The system has automatically been correctly configured according to the scripts requirements. Those settings may however take up to three hours to become active – therefore the script may not function correctly the next few hours.

Everyone is one Facebook, everyone is on Twitter, everyone is LinkedIn, everyone is… having a ton of profiles online in various social networking services. The more business-minded generally tend to have more serious profiles, but nevertheless it’s amazing what people put on their online presentations of themselves… Often not even protected from curious views from the general public. So think about what you upload – especially when you don’t limit it’s publication to your own friends.

An interesting offer I stumbled upon the other day introduced low-cost professional photography. This in itself is not really a new thing, but linking it with social media is. A specific target could be to get people to spend a few bucks on a few really good shots of themselves. It would really spice up the quality of their online profiles, instead of the never ending stream of bad, unsharp, poorly lighted, ridiculously dressed, vacation photos people use of themselves all the time. It’s funny, how most people are very aware of their appearances “in real life”, but when it comes to the online world, it appears as if those rules no longer apply. Maybe we feel shielded by some anonymous protective wall, but we all know, we aren’t… What happens online unfortunately never stays online… Think of that! Look good!

Inaad xaqa baafisaa, ciddee badan kaaga roon

fikrad

Ugu horeyn waxaan mahad dhamaanteed u celinayaa Ilaahay, ka dibna Rasuulkeenii, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Intaa ka dib waxa dhowaan Somaliland ka dhacay doorasho lagu soo xulayey madaxdii hogaamin lahayd dalka, taasoo ugu danbayn ku dhamaatay si guul ah, ilaahay baa mahad leh, laakiin waxaad moodaa inay yareyd ama inta badan dadkeenu fahamsanay mahadnaqa looga baahna inay u celiyaan ilaahay nabad iyo guul inoogu dhameeyey, oo intii badnayd ummadu u heshay maamulkii ay filayeen inuu gaadhsiin doono isbedel dhinac walba ee ay baahida weyn u qabeen ummadu ama inteeedii badnayd.

Ilaahay waxuu kitaabka quraanka inoogu sheegay marka ay dadku waxii ay ka filayeen ama doonayeen uu siiyo, ay waajib ku tahay inay ka mahad celiyaan, hadii sidaa laga waayana cadaabka ilaahay adag yahay. Markii haddaba mahadnaqii aynu ilownay, maaha wax lala yaabo hadii shalay ummadii isku nafta ahayd ay maanta ku wada qanci waayaan magacaabista xukuumadda, ilayn ilaahii shalay is raaciyey, ayey kala masuugeen mahad adaa leh. Shalay dhamaanteen waxanu lahayn aynu helo xukuumad kooban haba ahaadeen walaalo, oo waxqabad leh, laakiin waxaynu ilownay oo madax, culimo iyo caamaba kari weynay inaan dariiqii ilaahay ugu tallo-galay umadiisa maristeeda cagta saarno.

Bal u fiirso akhriste, dadka qaar baa diinta markay maqlaan ku dhaqankeeda buuro iyo meelo haawanaya  in ku dhaqaaq la leeyahay u qaata oo ka naxa, balse haduu si wanaagsan u fahmi lahaa macaankeeda aan weligii ka hadleen. Ilaahay waxuu aayad ku sheegay ‘Kuwa aanu mulkisiinay arladda, waxay oogaan salaada’, ka warama hadii maalintii aynu guulaysanay ay culimadeenu ama madaxdeenu inagu baraarujin lahaayeen gudashada waajibka salaatul-shukri, nimco intee le’eg ayeynu heli lahayn, ilaahay baan ku dhaartee, mid aan qiyaas lahayn, ka warama ka baaqsigeeda, sow filashada ciqaab maaha!

Akhriste, maxaa keenay wadajirkii iyo wanaagii aynu shalay wada doonaynay, maanta in qaar inaga mid ahi ay saluug ka muujiyaan magacaabista 26-ka Wasiir ee madaxweynahu soo xulay, balse mid garta iyo nin aan garaninba shalay waxa quluubteena mideeyey Ilaahay, balse markaynu garan weynay ama iskaba ilownay mahadnaqii, xusuusta in mar kale ilaahay karo inuu kala leexiyo quluubteena.

‘hadday bawdadu jabtiyo

Bariiq waa laga kacaa

Basaastuse waa qalbiga

Bugtana quus baa u daran!

Xaaladaha ka dhaca dunida ama dalkeena ogow inanay iska dhicin sabab la’aan una baahan yihiin in wax lagu qaato, oo la isweydiiyo, maxaa inna kala jeediyey shalay hadaan shalay wada soconay.

Aan ku soo af-meero maqaalkan, Ilaahay waxuu ugu jecelyahay adoomahiisa u soo noqda hadday gefaan, deni dhaafna weydiista, aan dhamaanteen Madax, Culimo iyo Shacaba wadajir Salaatu-shukri ugu baxno dibeddaha degaanadeena, ka dibna bal eegno intaa wanaaga ay inoo kordhiso, siduu ilaahay ballan qaaday. Yeynaan ka quusan raxmada Eebe, oo mahadcelin ku heli karno.

‘Bulshaa keli kaaga roon!

Kun baa boqol kaaga roon!

Inaad xaqa baafisaa!

Ciddee badan’ kaaga roon!

Allow adaa Mahad Dhamaanteed Kuu Sugnaatay.

Mohamoud Ali Mohamed (walaaleye)

Somaliland: Rejadii Siddeed sano ka hor iyo ta Maanta!

Somaliland

Hargeysa- 29, July, 2010: (Ogaal)- Wuxu u muuqday mid aad loogu han-wayn yahay, waxa bidhaamayey iftiin ay badi bulshadu bidhaansanayeen, waxa la qabay yididiilo gadaal iska beddashay, waxa la rejaynayay horumar la taaban karo, caddaalad, sinnaan, tiro kooban iyo tayo badan. Sidaa daraadeed, rejada Shacabku dharaartaasi qabay waxay ahayd runtii mid aad u wayn, hase ahaatee, ta maanta ay qabaan ayaa la odhan karaa waa mid ka sii weyn ta aynu soo sheegnay.

Dabcan 15 May 2003-dii, ayay ahayd maalintii Daahir Rayaale Kaahin loo dhaariyey xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu hayo muddo shan sano ah oo maalintaas ka bilaabmaysay. Haddaba, waxa uu qalinku si kooban isu dul-taagi doonaa rejadii Ummadda reer Somaliland ay qabeen siddeed sano ka hor markii Md. Rayaale xilkaas loo dhaariyey. Sida kor ku xusan waxay ayay ahayd filashada iyo naawiladdaa qalbiga dadka ku jirtay. Md. Rayaale oo doorashadii Madaxtooyada ee 14 April 2003 loo dareeray kaga guulaystay Musharrixiintii ay sannadkanna wada tartameen oo kala ah Madaxweynaha hadda la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wakhtigaas oo uu Daahir Rayaale Madaxweyne ka ahaa dhawr bilood dalka, ka dib markii uu geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo muddo dalka ka talinayay Daahirna ku-xigeen u ahaa shan sano. Mr. Rayaale oo aan wakhtigaas siyaasaddiisa wax badan badi bulshadu ka aqoonnin, haddana guusha uu gaadhay waxay tilmaan u noqon kartaa hanka iyo rejada laga qabay.

Khudbaddii ugu horreysay ee uu Daahir Rayaale Kaahin markii xilka loo dhaariyey ka dib fagaaraha khayriyada Caasimadda Hargeysa ka jeediyey, ayaa rejadii dadweynaha si weyn kor ugu qaadday, ka dib markii uu khudbaddaasi ku sheegay inuu dalka iyo dadkaba u sinnaan doono, caddaalad ku dhiqi doono, horumar la taaban karo oo dhinac kasta leh, sida waxbarashada, caafimaadka, caddaaladda, ictiraaf, ganacsiga xorta ah, maalgashiga dalka, magaalaynta, abuurista jidad cusub, la dagaallanka Musuqa, shaqo abuur iyo qodobbo fara badan oo ka mid ahaa boogaha damqanayay bulshada. Hase-yeeshee, waxyaabihii uu Rayaale ballan-qaaday badi umay fulin sidii laga filayey, isla markaana inkasta oo ay jireen guulo uu gaadhay wakhtigiisii, haddana waxa berber yaallay gal-daloolooyin aan la halmaami karin. Waxa badi filashooyinka beddalkooda la arkay, sicir-barar qayrul-caadi ah oo suuqyada ganacsiga Somaliland ku habsaday, hoos u dhac dhaqaale, Musuqmaasuqa oo sii baahay, caddaaladda oo suurtay, suuqyada ganacsiga xoolaha nool iyo keenista shiidaalka oo shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah uu kooto ugu xidhay siday marar badan ku eedeeyeen Mucaaridka dalka, Ururada xuquuqda aadamaha oo ay ka mid ahayd Hay’adda Human rights Watch oo dhammaan qodobbadaas iyo kuwo ay ka mid ahaayeen dib-u-dhacyo doorashada ku yimi, khilaaf siyaasadeed oo Golayaasha Sharci-dejinta soo kala dhexgay iyo waxyaabo la mid ah.

Haddaba, su’aasha is-waydiinta mudani waxay tahay, siddeed sannadood ka dib oo ay mar kale Madaxweyne ay si rasmiya u doorteen shanta sano ee soo socda, uu xilka la wareegay 27 Julay 2010, ka dib markii xilka madaxnimo loo dhaariyey shantaasi sano, intee ayay le’eg tahay-se rejada ay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka qabaan? Haddii uu qalinku si kooban uga jawaabo su’aashaas, rejada ay maanta bulshada reer Somlailand ka qabaan Md. Siilaanyo waxay u muuqataa mid aad uga sarraysa tii siddeeda sano ay qabeen ka hor Madaxweyne Rayaale, isla markaana waxay uga fadhiyaan wixii Rayaale kaga baaqday, ballan-qaadyadii Siillaanyo Kursiga ku soo gaadhay iyo in badan oo ku ladhan oo ay qayb ka yihiin qodobbada Rayaale iyo Xukuumaddiisii lagu eedeeyey inay ku fashilmeen badi hirgelintooda.

Si kastaba ha ahaatee, qodob kasta oo kuwaasi ka mid ah oo xadhigiisu ka qalloocsamo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Xukuumaddiisa, waxay ku noqon karaan cambaar siyaasadeed oo saamayn togan ku yeelata isaga iyo Maamulkiisa, halka mid kasta oo uu saxaana taa cakiskeeda yahay. Iyada oo haddii badi filashada laga qabo Siilaanyo ay wax la taaban karaa ka socon waayaan, oo ay bulshadu is beddal muuqda dareemi waydo, xaaladdu ka dhignaanayso: ‘Ma Dhurwaa I haystaan ku beddali Dhurwaa kale’. Illaahay kama dhigo. Waxaanu qalinku leeyahay Madaxweyne Siilaanyo rejada lagaa qabo rejo baaqatay Rabbi kama dhigo.

Masuuliyiin siyaasiyan isu nebcaa oo xilka la kala wareegaya!

Warka Wasiirada

Hargeysa- 29, July, 2010: (Ogaal)- Afartii xubnood ee dadka siyaasadda Somaliland iskaga soo horjeeday isugu shaqsiyadda nebcaa, isla markaana xafiiltan siyaasadeed oo weyni ka dhexeeyey sannadihii ugu dambeeyey ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale talada dalka haysay, ayaa xilal Wasaaradeed la kala wareegaya maalmaha soo socda, kuwaasoo laba ka mid ah uu Wasiirro u soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland ee 27 July 2010 xilka la wareegay, halka labada kalena ay Wasiirro culus ka ahaayeen Xukuumadda talada lagala wareegay.

Inkasta oo uu shalay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku dhawaaqay Liiska magacyada 20 Wasiir iyo lix Wasiir ku-xigeen, haddana waxa xusid mudan inay ka mid yihiin Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo uu Md. Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo sidoo kale uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiir Gabboose waxa uu xilka ka tirsan doonaa Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ahaa Wasiirkii arrimaha gudaha dhawrkii sano ee u dambeeyey, isla markaana, ay Gabboose si adag isu hayeen siyaasad ahaan, taasoo sababtay in Cabdillaahi-Cirro Xabsiga Mandheera u taxaabo Dr. Gabboose, Inj. Maxamed Xaashi iyo xubno kale, ka dib markii ay 2007 ku dhawaaqeen inay furteen Urur-siyaasadeed Qaran loogu yeedhay. Wasiir Gabboosaha cusub iyo Wasiir Cirraha shaqada ka tagayaa waxay weedho xanaf iyo cambaarayn leh oo qayb ka ahaa is-ficishiga siyaasadeed isu mariyeen marar badan Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo dibaddaba la hadasha.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu xilka kala wareegayaa Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ay ka wada mid ahaayeen Golihii Wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu magacaabay Madaxweynaha shaqada ka tagay Daahir Rayaale Kaahin, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland ka dhacday April 2003-dii. Hase ahaatee, Maxamed Xaashi wax yar dabadeed ayuu Daahir Rayaale ka eryey Wasaaradda Ganacsiga oo uu markaa Wasiir ka ahaa, halka Cawil iyo Rayaale wakhtiga wada dhammaysteen, dheeraadna ku darsadeen. Tan iyo wakhtigaas Wasiir Xaashi iyo Cawil waxa soo kala maray marxalado siyaasadeed oo kala duwan. Maxamed Xaashi, waxa uu muddo heegan u ahaa dabagalka Dakhliga dalka soo gala iyo ka ka-baxa, maalin kasta, toddobaad kasta, bil kasta iyo sannad kasta, kaasoo uu Xisaab ahaan ku soo bandhigi jiray. Waxa uu eedaymo fara badan u jeedinayey lixdii sano ee ugu dambeeyey oo uu si is daba-joog ah ugu tilmaami jiray inuu ku kacay Cawil Musuqmaasuq baahsan, inuu lunsaday Maaliyad fara badan oo Qaranku leeyahay, qayral-masuulnimo, macangagnimo iyo qodobbo badan oo la mid ah, kuwaasoo uu Maxamed Xaashi dusha ka saaray Cawil Cali Ducaale.

Hase-yeeshee, eedahaas iyo dhalliilahaas beddalkooda, waxa uu Cawil marar badan ku dhaqaaqay jawaabo uu ku beeninayo eedaha Eng. Xaashi u jeediyo, marar uu meel kale ka fadkudiyo iyo wakhtiyo uu iska aamusay-ba. Sidaasi awgeed waxay dad badani is-waydiinayaan, isla markaana u arkaan arrin xiisa gaara leh sida ay Afartan Masuul isaga soo horjeedeen, una kala fogaayeen ee afku dagaallan iyo ficli siyaasadeed deganaan ku dhisan aan waxba u kala hadhin iyo sida Illaahay midba midkii ay sida tooska ah isu hayeen ugu soo beegay. Dhacdadani waxay dad badan xasuusin kartaa tuducyo Sugaaneedkan: (Waayaha Adduunkiyo Wakhtigays beddalayoo, Samo laguma waaree, Anna waxaan u geed-waabay Samirkiyo Wanaaggee).

Si kastaba ha ahaatee, labada Wasiir ee Md. Siilaanyo u magacaabay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Maxamed Xaashi Cabdi iyo Maxamed Cabdi Gabboose oo ah saaxiibbo marar Siyaasadda ku kala fogaaday, balse haddana ku bahoobay, isla markaana ah saaxiibbo isku dhaw, ayaan hore uga mid ahayn Xisbiga KULMIYE ee doorashada ku guulaystay, hase ahaatee, waxay ku biireen markii Urur-siyaasadeedkii Qaran u meel-mari waayay, waxaanay wadagaleen heshiis dhigayay inay KULMIYE kala shaqeeyaan sidii uu doorashada ugu guulaysan lahaa, taa beddalkeedana haddii KULMIYE guulaysto uu fasixi doono Ururkii Qaran iyo Ururrada siyaasadda ee la midka ah oo ay Xukuumaddii Rayaale is-hortaagtay. Inkasta oo ay Eng. Xaashi iyo Dr. Gabboose, heshiiskaas galeen, sheegeena in ujeeddadoodu Xukuumad xilal looga dhiibo ka wayn tahay, haddana maanta waxa ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siillaanyo, waxaanay u muuqdaan kuwo Ururkii Qaran sallaanka kuraasta maanta loo dhiibay ka soo fuulay, maadaama oo aanay ku raad-joogin helitaanka furashada iyo ogolaanshaha Ururkii Qaran.

“Dalka wax adduun ah oo aanu qasnadiisa ugu nimi ma jirto, waxa taa ka sii daran..”

Siilaanyo

Hargeysa, 29 July, 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaale, amni, siyaasadeed iyo sidoo kale xaaladaha ka taagan deegaanka Buuhoodle, waxaanu baaq u jeediyay Garaaddada iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga madaxtooyada ka jeediyay khudbaddii u horraysay ee intii loo dhaariyay xilka madaxweynenimo, ayaa ka hadlay doorashadii dalku galay iyo waxyaabaha ay Somaliland ku kasbatay. “Walaalayaal illaahay baa mahad leh, waxa hubaal ah inaynu qaran ahaan guul wayn gaadhnay, waxa hubaal ah in guushaasi qayb ka tahay nolosheena ummadnimo iyo sooyaalkeena taariikheed. Waxaynu guusha ku gaadhnay inaga oo isku duuban oo qaran midaysan ah, sidaa awgeedna waa libin dalkeena u soo hoyatay. Shaki kuma jiro inaynu xaqiijinay rukun muhiim ah oo ka mid ay yoolkii aynu hiigsanaynay, waxa la inoo qirsan yahay maanta inaynu rumaynay hankeenii ummadnimo iyo haybadeenii qaranimo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Isu-samirkii iyo isu-dul-qaadashadii aynu kaga soo gudubnay duuufihii adkaa ee ina soo waajahay waxay daliil cad u yihiin bisaylka iyo qaan-gaadhnimada siyaasadeed ee aynu leenahay, taasoo aan ku tilmaami karo inay bud-dhig u tahay guushan aynu gaadhnay.”

Madaxweynaha cusub wuxuu mahadnaq u jeediyay shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan si niyadsami leh aan shacbigayga ugu amaanayaa iyagoo ku kala qaybsanaa taageeradii axsaabta, haddana sidii geesinimada iyo garashada lahayd ee ay u wada ilaaliyeen danta guud iyagoo isku duuban, haatanna waxaan marti idiinka ahay inaynu dhayno boogahennii hore, xurgufihii iyo xanafihii doorashooyinkana aynu xalay dhalay ka noqono.”

Axmed-Siilaanyo wuxuu mar kale ku celiyay in uu fulinayo ballan-qaadyadiisii hore ee wakhtigii ololaha uu ku jiray, waxaanu dalbaday in wada-jir umaddu ula shaqayso. “Walaalayaal waxaan la dafiri karin inay Somaliland u oomanayd isbadel, isbadelkuna kama yimaaddo keliya xagga sare ee wuxuu ka yimaaddaa min-qof, qoys ilaa qaran, maantana waxaynu u taaganahay in isbadelkaas rejadii laga qabay rumayni inaga oo isku duuban, anigana maanta waxa iga go’an oo aan guntiga u xidhay rabitaankiina runta ah la’aantiina suurtagal iima aha. HAA…Waxaan ku kalsoonahay inaynu ka dhabayn doono rajada ay shacbigeenu isbadelkan ka naawilayaan.” Ayuu yidhi Axmed, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal gacmo wada jir bay wax ku gooyaan, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inaynu midawno oo aynu meel uga soo wada jeedsano hogaaminta, horumarinta iyo dhismaha qarankan curdinka ah. Si aynu hayaanka beelwaynta Somaliland uga talaabiyo jidka dheer ee sugaya, waxa aan ku kalsoonahay inaad igu gacan siin doontaan gudashada xilka aad ii igmateen.”

Waxa kale oo uu khudbaddaa kaga hadlay madaxweynaha cusub duruufaha ku xeeran maamulka cusub ee uu dhisay. “Walaalayaal, maansha allah meel xun ma joogno, waayo waxaynu nahay Qaran madaxbanaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala dambayn. Hase yeeshee, xukuumaddan aan gadh-wadeenka ka ahay ee aan wali la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xaddi lahayn, kuwaas oo ay lafdhabar u yihiin dhaqaale xumo, maamul xumo iyo nabadgelyo xumo meelaha qaar ka jirta. Wax adduun ah oo aanu qasnadiisa ugu nimi ma jirto way madhan tahay, waxa taa ka sii darran waxa lagu leeyahay dayn farabadan, iyadoo aan muddana la bixin gunnooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama laba-diblayn kara in dhakhso loo bilaabo meel-marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa. Si kastaba ha ahaatee, dulucda iyo abbaarta xaaladeenu waxay salka ku haysaa murti Soomaaliyeed oo tidhaahda ‘Ninkii arrinkeena wax kala hadhaw, qodhaa iyo xeradaa jabtay’. Waxaana naga go’an aniga iyo xukuumaddaydaba inaanu xaalad kasta ku waajahno dedaal, daacadnimo, isku duubni iyo dulqaad fara badan, si aynu u xaqiijino yoolka iyo hadafka aynu hillaadinayno.”

Waxyaabaha kale ee uu madaxweyne Siilaanyo ka hadlay, waxa ka mid ah xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan xaaladda amni ee deegaanka Buuhoodle iyo qaybo ka mid ah gobolka Sool. “Dalkeena Somaliland, gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaano ka mid ah Sool, waxa ka socda shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ay iskaga soo horjeedaan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyooyin ka tirsan deeganadaas, kuwaas oo haddii aan halkaa lagu demin abuuri kara degaansho la’aan, taas oo aan cidna dani ugu jirin.  Marnaba xal uma arko xabbad iyo dagaal, sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa inay xabbada joojiyaan. Sidoo kale Garaadada, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanadan shaqaaqadu ka jirto ee hadda ka baxsan xayndaabka maamulka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa uguna yeedhayaa googol nabadeed iyo wada hadal, waxaana iga go’an inaan si mug leh u galo tabashooyinka siyaasadeed ee jira.” Ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxyaabaha ay wax ka qaban doonaan, ayaa sidoo kale ka mid ahaa khudbaddii madaxweynaha, mar uu arrimahaas ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxaanu xoogga saari doonaa adeegyada bulshada, anaga oo ka duulayna barnaamijkayagii sida horumarinta caafimaadka, waxbarashada, biyaha, miyiga, ka faa’iidaysiga khayraadka badda, dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, daryeelka mujaahidiinta, arrimaha haweenka, bulshada la haybsooco iyo la dagaalanka saboolnimada. Waxaan wax ka qaban doonaa daryeelka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada dalka anaga oo u samayn doona derajooyin sidii aanu hore u ballan qaadnay, waxqabadka xukuumaddaydu ku talaabsanayso 100-ka maalmood iyo 6-da bilood ee hore, amase guud ahaanba sida mudnaanta loo kala siinayo waxyaalihii aanu ballanqaadnay, waxa ku ansixin doona fadhiyadooda u horeeya golaha wasiirada cusub. Walaalayaal ilaalinta xuquuqal insaanka iyo xoruyatal-qawlku waa mabaadi’da aasaasiga ah ee aynu qarankeena ku dhisayno, ku dhaqanka dastuurka iyo qawaaniinta dalku waxay xuddun u noqon doonaan xaqiijinta nidaam xaqsoor leh iyo abuurista jawi wada shaqayneed oo u dhexeeya hay’adaha dawliga ah.”

Ku-talo-galka xukuumaddiisa ee siyaasadda arrimaha dibedda, ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabihii uu ka hadlay. Waxaanu sheegay inay u hawl-gali doonaan sidii ay Somaliland rasmiyan ugu xidhmi lahayd dunida inteeda kale. “Xukuumadda cusubi waxay ka hawlgeli doontaa sidii ay Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaanu xoogga saari doonaa sidii aanu dunida ula yeelan lahayn iskaashi buuxa, iyada oo mar walba laga duulayo maslaxada shacabka Somaliland. Waxaanu xoojin doonaa baadi-goobka aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho caalamka, waxaanu dardargelin doonaa xidhiidhka ay la leenahay wadamada Afrika, Yurub iyo Ameerika.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dhinaca kale, waxaanu unki doonaa saaxiibo cusub oo ay Somaliland yeelato, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada carabta iyo dalal ku yaala qaarada Eeshiya, khaasatan Shiinaha. Maamulkaygu waxa uu sii xoojin doonaa, isla markaan dhidibada u adkaynayaa xidhiidhka saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabadgelyo ee aynu la wadaagno dalalka aynu deriska nahay sida Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.” Waxaanu sheegay in Xukuumaddiisu ay ka hortegi doonto kooxaha Budhcad-badeedda iyo kuwa qaska ka wada Geeska Afrika.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xukuumaddiisa ee khilaafka iyo dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya. “Aad baanu uga xunahay dhiiga ku daadanaya Soomaaliya iyo shacbiga maalin walba macno-darrada ku dhimanaya. Sidaa awgeed kooxaha ku dagaalamaya waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkooda u tudhaan, xabbadana wada hadal ku bedelaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Arrimaha dhaqaalaha ayuu sidoo kale ka hadlay madaxweynuhu, waxaanu mar kale ku celiyay oo uu ballan-qaaday in la ilaalin doono oo aan lagu takri-fali doonin hantida qaranka. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Sidii ay ballanteenu ahayd hantida qaranku laga bilaabo maanta waxay noqonaysaa mid loogu adeego ummadda, qaranka iyo horumarintiisa oo qudha, mana noqon doonto mid ku dhacda jeebado gaar ah. Waxa si buuxda u hawlgeli doona hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka, sida Hanti-dhawrka iyo Guddida ilaalinta anshax-wanaagga dawladnimo, kuwaas oo hawshooda si buuxda ugu madaxbanaan. Waxa agtayda iyo xubnaha xukuumaddaydaba xaaraan ka ah shandad lacag lagu oo lala soo waydaarto qasnada dawlada.”  Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan dhiiri-gelin doonaa maal-geshiga shisheeye, anaga oo u abuurayna jawi iyo qaab ay ku soo hirtaan, waxaan taabo-gelin doonaa hanaanka dhaqaalaha furfuran iyo suuqa xorta ah si waafaqsan xeerarka dalka.” Waxaanu sheegay in sidoo kale ay wax ka qaban doonaan arrimaha caddaaladda. “Waxaan baabi’inayaa oo aan waxba kama jiraan ka soo qaadi doonaa jiritaankii iyo awoodii guddiyada nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah u fulin jiray xukumada ciqaabta ah. Dhamaan muwaadiniinta u xidhan waji siyaasadeed oo ee ay guddiyada nabadgelyadu xukuntay waan cafiyey, xoriyadoodii ay xaqa u lahaayeena waan u soo celiyey, qoraal rasmiya oo aan arrintaa ku sharaxayana waan u gudbin doonaa hay’adaha ay khusayso.” Ayuu yidhi Siilaanyo.

Miisaanka, aqoonta iyo degaamada xubnaha loo magacaabay Wasiirada cusub

wasiirada cusub

Hargeysa 29, July 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu shalay shaaciyay liiska golihiisa Wasiirada, ka dib markii Salaasadii doraad la dhaariyay.

Wasiiradan cusub oo ka kooban 20 xubnood, iyadoo sidii hore lix keliya laga dhimay, waxa ka dhex muuqda shaqsiyaad ku cusub masraxa siyaasadda Somaliland.

Sidaa aawadeed, Wargeyska Ogaal waxa uu halkan idiinku soo gudbinayaa faaqidaad guud-mar ah oo uu ku sameeyay aqoonta, khibrada iyo degaamada ay ka soo jeedaan xubnaha la magacaabay iyo sidoo kale waxyaabaha masuul kasta ku sugaya xafiiska loo magacaabay.

Wasaaradda Khaarajiga:

Wasiirka cusub ee Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, waa nin dhalinyaro ah oo ku cusub masraxa siyaasadda dalka, muddo laba sannadood ku dhawna wuxuu hayay xilka Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbiga KULMIYE.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Gabiley, wuxuu hadda ka hor wax ka dhigi jiray Jaamacad ku taala dalka Ingiriiska, muddadii uu xilka Xoghayaha Khaarajiga xisbigaa hayayna, waxa la sheegaa inuu xoogaystay xidhiidhka dibadeed ee KULMIYE, ka dib dedaal uu muujiyay. Laakiin, waxa jira aragtiyo kale oo ku saabsan in Mr. Maxamed Cabdilaahi Cumar aanu lahayn khibrad badan u lahayn , maadaama baaxadda siyaasad Khaarajiyeed oo ay ku lamaan tahay sidii bulshada caalamka looga dhaadhicin lahaa, loona iibgayn lahaa qadiyadda Somaliland oo aan 19 sannadood garawshiiyo ka helin beesha caalamka. Isla markaana la balaadhiyay wasaaraddan Khaarajiga ee uu xilkeeda qaaday, waxaana lagu daray xidhiidhka Caalamiga ah oo ay Somaliland u ooman tahay, ka dib markii qaybtaa laga soo dheegay wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Wasaaradda Daakhiliga Daakhiliga:

Wasaaraddan waxa loo magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hadda noqonaya Wasiirka cusub ee Daakhiliga Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Galbeedka Burco.

Dr. Gaboose oo ah siyaasi caan ah, waa Dhakhtar ku takhasusay cilmiga Neerfaha, xilligii Soomaaliyana wuxuu muddo dheer ahaa Dhakhtarkii gaarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo wasiir ku-xigeenkii Caafimaadka dawladdii Milateriga, ka hor intii aanu ku biirin ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM.

Dawladdii Marxuum Cigaal, waxa uu ka soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha, 2002-diina wuxuu aasaasay ururkii SAHAN oo ku hadhay doorashadii goleyaasha Degaanka ee dhammaadkii sannadkaa dalka ka dhacday.

Sannadkii 2007-dii wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin uu hormood u ahaa oo Xabsi ku mutay ka dib markii la diiday ururkii Qaran oo uu guddoomiye ka ahaa, iyadoo markii dambena ururkiisii heshiis iskaashi la galay xisbiga KULMIYE.

Waxa lagu tilmaamaa siyaasi hawlkar ah, codkar ah oo awood u leh inuu ka dabaasho hawlo culus. Hase yeeshee, dadka qaarkii waxay ku xidhiidhiyaan nin ku adag aragtidiisa, isla markaana leh hami hogaamineed. Inkastoo xilligan xaaladda amni ee dalku wanaagsan tahay, haddana waxa sugaya xoojinta xasiloonida iyo dib-u-eegista hay’addaha amniga, iyadoo laga shidaal qaadanayo xaaladdaha manqadda ka aloosan.

Wasaaradda Maaliyadda:

Waxa loo magacaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah siyaasi xilal ka soo qabtay Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Waqooyiga Hargeysa.

Wuxuu bartay cilmiga dhismaha guryaha, muddo dheerna waxa uu shaqaale dawladeed ka ahaa dawladdii hore ee Soomaaliya ka hor intii aanu dalka ka dhoofin. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ee xoraynta dalka.

Intii Somaliland jirtay wuxuu soo qabtay xilal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Hargeysa xilligii dawladdii Marxuum Cigaal iyo Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Rayaale oo uu dhawr sannadood hayay.

Muddooyinkii dambe wuxuu caan ku ahaa dabogalka hay’addaha dakhliga dalka, had iyo jeerna wuxuu soo bandhigi jiray musuqmaasuqyo Maaliyaddeed oo uu sheegi jiray inay ku kacday xukuumaddii Rayaale, qabashada cashuuro aan Baarlamaanku jidaynin oo aan sharci ahayn. Waxa lagu tilmaamaa shaqsi neceb musuqmaasuq, isla markaana shaqo badan. Waxa sugaya sidii wax looga qaban lahaa musuqmaasuqa Somaliland oo lagu tilmaamo mid xididaystay, ilaha dhaqaalahana si gaar ah u saameeyay.

Qorshaynta Qaranka:

Wasaaraddan oo hadda loogu yeedhay Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta, waxa loo magacaabay Dr. Sacad Cali Shire oo ah aqoonyahan Qurbajoog ah, degaan ahaana wuxuu ka soo jeedaa Berbera. Waa shaqsi ku cusub masraxa siyaasadda, sida la sheegayna wuxuu xil ka hayay xafiiska shirkadda Dahabshiil ee London, wuxuuna ka mid ahaa kooxo aqoonyahano ah oo aasaasay Jaamacaddaha Hargeysa iyo Burco.

Waxa horyaala sii wadista barnaamijyo horumarineed oo dhawrkii sannadood ee u dambeeyay saldhigay iyo sidii ay u waari lahayd la xisaabtanka hay’addaha oo uu labadii sannadood ee u dambeeyay ku talaabsaday wasiirka uu xilka kala wareegayaa.

Hawlaha guud iyo Gaadiidka:

Wasaaraddan waxa loo magacaabay Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Mr. Xuseen oo degaan ahaan ka soo jeedaa Koonfurta galbeed ee Hargeysa, isla markaana aan hore xil uga soo qaban Somaliland, waxa uu sida la sheegay ka tirsanaa ciidankii Badda ee dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya, ka hor intii aanu ku biirin halgankii SNM.

Waxa sugaya wax-ka-qabashada boobka guryaha dawladda, qabyotirka biriijka labaad ee Hargeysa, wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wadooyinka, dayactirka iyo daryeelka gaadiidka dawladda oo aan sidii loo baahnaa loo ilaalin, kuna dayacan xarumaha dawladda qaarkood.

Waxbarashada:

Wasaaraddan oo hadda loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare, waxa loo magacaabay Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee Somaliland, degaan ahaana ka soo jeeda Waqooyiga Hargeysa.

Waqtiyadii hore, waxay shaqaale dawladdeed ka soo noqotay dawladdii Soomaaliya, iyadoo agaasime-waaxeed ka noqotay. Intii Somaliland jirtay waxay ku soo dhex jirtay wax-ka-qabashada baahiyaha arrimaha bulshada, gaar ahaan ilaalinta xuquuqal-insaanka iyo sidii haweenku uga qaybgali lahaayeen siyaasadda dalka.

Caafimaadka:

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo hadda laga saaray waaxdii Shaqada oo hore ugu lamaanayd, waxa loo magacaabay Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo ka mid ah Dhakhaatiirta ugu caansan ee Somaliland.

Dr. Xuseen-Xoog oo ku takhasusay daawaynta cudurada guud iyo xanuunada Wadnaha, waxa uu ka tirsan yahay guddiga Fulinta ee KULMIYE. Muddo dheer waxa uu ku foognaa daawaynta cudurada, waana markii u horaysay ee uu xil ka qabto Somaliland, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa Koonfur-bari ee Hargeysa. Wuxuuna ka mid yahay 10 Dhakhtar oo uu shaqada Cusbatalka guud ka joojiyay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Mr. Cabdi Haybe.

Wasaaradda Caafimaadka oo aan muddo todoba sannadood ah nasiib u yeelan inuu hogaamiyo masuul aqoon u lihi, waxay hadda heshay Wasiir aqoon u leh cilmiga iyo hawlaha Caafimaadka. Hase yeeshee, Wasiirka cusub hadda waxa sugaya sidii kor loogu qaadi lahaa adeega  Caafimaadka dalka oo lagu tilmaamo mid hooseeya, hubinta aqoonta dadka ku ganacsatada cilmiga Caafimaadka oo kala-hufid u baahan, kaantaroolka iyo ruqsadsiinta goobaha adeeg Caafimaad bixin kara iyo sidii loo hubin lahaa tayada daawooyinka dalka la soo geliyo, si loo dhawro Caafimaadka bulshada. Intaa waxa dheer, iyadoo laga dayriyo hawlaha Cusbatalada waawayn ee gobollada oo la sheegay in qaarkood qarka u saaran yihiin inay xidhmaan.

Gaashaandhiga:

Wasaaradda Gaashaandhiga waxa loo magacaabay Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilal dhawr ah ka soo qabtay meelo kala duwan. Mr. Cadami waxa uu waqtiyadii hore mar Maareeye ka noqday dekedda Muqdisho, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa Bariga gobolka Sanaag. 2001 ilaa 2007-dii waxa uu ahaa guddoomiyaha Guddigii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee u horeeyay oo saddex doorasho dalka ka hirgeliyay.

Hadda waxa uu xilka la wareegayaa iyadoo la amaano tayada ciidamada Qaranka, isla markaana aanay colaado Milateri ku oognayn Somaliland.

Ganacsiga:

Wasaaraddan oo hadda lagu daray wasaaraddihii Wershadaha iyo Dalxiiska, waxa loo magacaabay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo jeeda gobolka Sool.

Lama sheegin heerkiisa aqooneed iyo takhasuskiisa gaarka ah, balse sida la sheegay waxa uu ka mid yahay ganacsatada dalka, gaar ahaan dhinaca Xawaaladaha.

Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah, kala-xadaynta ganacsiga isku milmay, hubinta tayada alaabooyinka dalka la soo geliyo iyo kormeerka/ sargoynta qiimaha sicirka maceeshada, gaar ahaan quutal-daruuriga oo muddooyinkan dambe kor u sii kacayay. Sidoo kale, waxa xoojin u baahan sidii loo dhiirigelin lahaa, loona hirgelin lahaa abuurista Wershadaha dalka.

Xanaanada Xoolaha:

Wasaaraddan oo hadda lagu daray wasaaraddihii Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, waxa loo magacaabay Dr. Axmed Xaashi Oday.

Waxa uu ka tirsan yahay golaha dhexe ee KULMIYE, horena waxa uu Agaasime guud uga soo noqday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Dr. Oday oo aqoon u leh cilmiga caafimaadka Xoolaha, waxa lagu tilmaamay shaqsi ku haboon xilka Wasaaraddaha is huwan ee loo magacaabay, wuxuuna  degaan ahaan ka soo jeedaa Galbeedka Hargeysa.

Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah, tayaynta, kor-u-qaadista Caafimaadka Xoolaha, daryeelka iyo wax-ka-qabashada dabar-goynta Dhirta lagu hayo. Sidoo kale, waxa horyaala inuu dabagal ku sameeyo hantida gashay Maxjarka Caafimaadka Xoolaha ee Berbera oo madmadow ku jiro iyo heshiisyo aan Baarlamaanku ansixin oo wasaaradda loo magacaabay hore u gashay.

Boosaha iyo Isgaadhsiinta:

Waxa loo magacaabay Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo la sheegay inuu ka mid yahay Qurbajooga reer Somaliland.

Waxa la sheegay inuu xarumo ganacsi ku leeyahay Laascaanood, waana masuul ku cusub masraxa siyaasadda dalka, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Sool.

Caddaalada iyo Garsoorka:

Waxa loo magacaabay Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo macalin ka ahaan jiray Jaamacaddii Lafoole.

Mr. Muumin oo mar hindisay inuu u tartamo jagada Madaxweyne kuxigeenka xisbiga KULMIYE, waxa uu sida la sheegay hore uga shaqayn jiray hay’addo caalamiga ah, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa degmada Dilla ee gobolka Awdal.

Waxyaabaha ugu waawayn ee sugaya waxa ka mid ah; hagaajinta Garsoorka, gaar ahaan Maxkamaddaha oo laga cawdo iyo ilaalinta xuquuqal-insaanka oo marar dhawr ah Somaliland lagu canaantay.

Intaa waxa dheer, duruufo wax-ka-qabasho u baahan oo deris la ah inta badan Xabsiyada dalka, dib-u-eegista dadka u xidhan guddiyada Nabadgelyada iyo dhamaystirka Jeelka wayn ee Hargeysa oo dhawr sannadood dhisme ka socdo iyo tayaynta ciidanka Xabsiyada.

Diinta iyo Awqaafta:

Waxa loo magacaabay Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah culimada reer Hargeysa.

Sheekh Khaliil oo ah shaqsi magac ku dhex bahda Culimada, waxa uu ka mid yahay ganacsatada dalka. Waxa uu ka tirsanaa guddigii Anshaxa iyo kormeerka doorashadii Madaxtooyada, waana xubin ku cusub siyaasadda, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa Koonfur/galbeed Hargeysa.

Arrimaha Bulshada:

Wasaaraddan oo hadda loogu yeedhay ‘Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada’ waxa loo magacaabay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee Somaliland.

Ilhaan Maxamed Jaamac oo Madaxweynihii xilka wareejiyay ka horjoogsaday ka mid noqoshada Komishanka Doorashooyinka oo xisbiga KULMIYE u magacaabay, waxay ka tirsan tahay Qurbajooga Somaliland, iyadoo muddooyinkii u dambeeyayna dalka hawlo ganacsi ka waday, waana markii u horaysay ee ay xilka ka qabato Somaliland, waxayna degaan ahaan ka soo jeedaa Ceerigaabo.

Kalluumaysiga:

Wasaaraddan oo hadda lagu kordhiyay khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha, waxa loo magacaabay Dr. Maxamed Yaasiin Xasan (Maxamed Dayr) oo ka mid ah aqoonyahanada dalka.

Mr Maxamed Yaasiin oo shahaadada PhD ku qaatay cilmiga Xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, waxa uu ka mid yahay Qurbajooga Somaliland, wuxuuna muddo dheer degenaa dalka Ingiriiska, waana masuul ku cusub siyaasadda dalka, wuxuuna ka soo jeedaa degmada Sheekh. Arrimaha ugu waawayn ee waxkaqabashadoodu u taalo waxa ka mid ah, xal-u-helida boob lagu hayo khayraadka Badda, gaar ahaan Kalluunka oo sida la sheego Maraakiib shisheeye ahi gurtaan iyo kor u qaadista adeegyada dekeddaha, gaar ahaan Berbera oo ah ta keliya ee shaqaysa.

Macdanta iyo Biyaha:

Hadda waxa wasaaraddan lagu kordhiyay ‘Tamarta’ oo aan magac ahaan hore ugu caddayn, waxaana loo magacaabay Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanada dalka.

Mr. Xuseen oo bartay cilmiga Joolajiga, wuu ku cusub yahay saaxadda siyaasadda, wuxuuna muddo dheer degenaa dalka Maraykanka, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaanka Bariga Burco.

Waxa sugaya inuu dabagalo heshiisyo qarsoodi ah oo ay dhawrkii sannadoo ee u dambeeyay hawlo Macdan-baadhiseed wasaaraddu kula gashay shirkaddo shisheeye ah.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha:

Wasaaraddan oo hadda lagu kordhiyay waaxda Dhaqanka, waxa loo magacaabay Maxamed Xaashi Madar oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Saylac ee gobolka Sool.

Hawlaha sugaya waxa ka mid ah, inay barnaamijyo horumarineed u dejiso dhalinyarada Somaliland, si looga hortago Tahriibka oo in badan oo ka mid ah galaafatay.

Beeraha:

Wasiirka cusub ee Beeraha waxa laga dhigay Prof. Faarax Cilmi Maxamuud oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Boorama, iyadoo laga sugayo inuu xooga saaro sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dhiirigelin lahaa wax-soosaarka Beeraha.

Duulista iyo Hawada:

Wasaaradda Duulista waxa loo magacaabay Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Qurbajooga xisbiga KULMIYE.

Maxamuud Xaashi oo marxuum Cigaal ku naanaysi jiray ‘Osama’, waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Bariga Burco. Waxa uu ka tirsanaan jiray golihii hore ee Wakiillada Somaliland, iyadoo uu xilligaa aad u mucaaridi jiray marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Hawlaha sugaya waxa ka mid ah, hagaajinta adeegyada Madaarada dalka oo qaarkood xidhan yihiin iyo dhamaystirka balaadhin kooban oo qorshaheedu socdo oo lagu kordhinayo Madaarka caasimadda Hargeysa.

Warfaafinta:

Wasiirka cusub ee Warfaafinta waxa laga dhigay Cabdilaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) oo ka mid ah Qurbajooga xisbiga KULMIYE.

Mr. Cabdilaahi Geeljire oo degaan ahaan ka soo jeeda Bariga Hargeysa, waxa uu sannadihii dambe qoraal madadaalo ah oo todobaadle ah ku soo bandhigi jiray Wargeysyada maxaliga ah ee dalka, kuwaasoo uu qaab xirfadaysan ugu naqdiyi jiray masuuliyiinta Xukuumaddii talada dalka wareejisay.

Shalay: Muuqaaladii xiisaha lahaa ee madashii xilwareejinta

1

Somaliland waxay shalay u ahayd maalin kale oo ka mid noqotay maalmaha ku suntanaan doonaa taariikhdeeda.

Waxa la dhaariyay Madaxweynihii afraad ee Somaliland yeelato, iyadoo ahayd markii u horaysay ee munaasibad xilwareejin ah loo sameeyo Madaxweyne dalku yeesho.

Munaasibada xilwareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo lagu qabtay barxadda xarunta Madaxtooyada, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha xilka loo tiriyay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynihii xilka wareejiyay Daahir Rayaale Kaahin, Shirguddoonada Guurtida iyo Wakiillada, mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanka, Murashaxii Madaxweynenimo ee xisbiga UCID oo doorashada ku hadhay, guddoomiyaha Maxkamaddaha Sare oo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa cusub dhaariyay, wasiiradii xukuumadda talada wareejisay, wufuud heerkoodu sareeyo oo ka socday dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, xubnaha Komishanka Doorashooyinka, madax ka tirsan xisbiyada siyaasadda iyo martisharaf kale.

Waxa la adkeeyay amniga munaasibada iyo agagaarka Madaxtooyada, iyadoo la xidhay jidka hawlbowlaha ah ee hormara.

In ka qaybgalayaashu goobta ka xaadiraan, waxay bilaabantay subaxnimadii hore, iyadoo ay ciidankuna si hubsiimo leh u baadhayeen.

Hase yeeshee, diyaarinta munaasibadu waxay ahayd mid aan sidii la moodayay loo habaynin, isla markaana nidaam ahaan kala daadsan.

Inkastoo ay diyaargarawga liitay ee munaasibada markii horeba indhaha warbaahintu qabteen, marka la eego cidhidhiga goobta loogu talogalay, tirada kuraasida loo diyaariyay, qaabka kala-hormayn la’aanta iyo qodobo kale, haddana waxa wax badan qaawiyay markii waqtigu isasoo guray, badi ka qaybgalayaashuna goobta tageen. “Kuraasida safafka hore halaga kaco oo haloo baneeyo wufuud inala joogta oo wax yar ka dib iman doonaa,” sidaa waxa yidhi Madaxa baratakoolka Madaxtooyada oo intii aanay munaasibadu furmin cod-baahiyaha u qaatay inuu kala hago murug goobta hadheeyay, ka dib markii qof waliba halkuu doono fadhiistay.

Dalabkaa waxbaa ka fulay, shaqsiyaad koobanina waxay ka kaceen safka u horeeyay kuraasida goobta taalay, laakiin taasi waxba kamay bedelin in qaab aan kala hufnayn loo fadhiisto. “Halaga kaco kuraasta labada saf ee hore, si ay wufuuda inala joogtaa u fadhiistaan,” sidan ayuu markale yidhi. “Weliba Xildhibaanadu kuraasta dambe ha tagaan, kuraasida dambe ha u guuraan,” ayuu raaciyay.

Tani waxay keentay in mudaneyaal door ah oo ka tirsan Baarlamaanka, una badan golaha Wakiilladu ka kacaan kuraasida ay ku fadhiyeen, isla markaana u guuraan goob kale. Laakiin, in madaxda kala duwan ee meesha timi la kiciyaa intaas kumay joogsan. “Kuraasidaa hala baneeyo, waxa soo gelaya wufuud inooga timi dalalka jaarka ah,” sidaana waxa yidhi Siciid Cadaani Mooge oo afhayeen u ahaa Madaxweynaha xilka ka degay.

Waqti daqiiqado ku siman, waxa uu indhaha ku hayay in la baneeyo kuraasida uu dalbaday in laga kaco, iyadoo uu kor u hayay codbaahiyaha uu la wareegay. “Wasiiradu kuraasidaa ay fadhiyaan ha baneeyaan,” ayuu markale yidhi Siciid Cadaani ka dib markii laga warwareegay in kuwa uu dalbaday oo ay badi masuuliyiin xukuumadda ka tirsani fadhiyeen la baneeyo.

Sida muuqatay, in aan loo dhegonuglaan amarada noocaas ah waxa sii xoojinayay iyadoo aanu qofna arkaynin kursi kale oo diyaar u ah, goobta farta loogu fiiqayayna ay buuxiyeen mudaneyaal iyo shaqsiyaad kale oo goobtay markii hore fadhiisteen laga soo kiciyay. Intaa ka dib, Siciid Cadaani wuxuu tiriyay magacyada xubno wasiiro ah oo weli iska dhego tirayay inay fadhiga ka kacaan, wuxuuna si cadho leh ugu celiyay in kuraasida loo baneeyo wefti uu hogaaminayay guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Mr. Faarax Macalin. “Weftigu way taagan yihiine uga kaca kuraasida,” ayuu yidhi.

Ka dib markii ay meel cidhiidhsadeen weftigaa Kenya, way sii socotay baahida la xidhiidha kuraasida iyo dalabka in wufuuda meel loo baneeyo. “Waar hayna ceebayninee, wufuuda idin dul taagan kuraasida u baneeya oo uga kaca…Waar sidee tihiin maad kacdaan? Waar hayna ceebayninee ka kaca kuraasida,” sidan ayuu yidhi Siciid Cadaani oo markaa tilmaamay wefti ka socda dalka Jabuuti, kana kooban 16 xubnood oo uu hogaamiyay wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalkaas Mr. Cali Cabdi Faarax.

Sidan oo kale, waxa meel ay fadhiistaan loogu helo ay waqti qaadatay wefti ka socday dalka Itoobiya oo uu horkacayay wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Mr. Maxamuud Dirir Guulleed.

Intaa waxa dheeraa, cidhiidhi ay tirsanayeen bahda warbaahinta oo laftoodu qayb ka ahaa xaflad-qulubka meesha ka jiray, ka dib markii ay is cidhiidhyeen, isla markaana waayeen meel ku filan oo ay sawiro ka qaataan.

Diyaargarawga hooseeyay ee munaasibadu waxa uu sameeyay Roogacas ee loogu talogalay inuu Madaxweynuhu ku dul socdo, kaasoo ilaa saddex daqiiqo ka hor la jiid-jiidayay ka hor intii aanu Madaxweynaha cusub iyo hoggaamiyaha uu xilka kala wareegay ka soo bixin dhismaha Madaxtooyada oo ay muddo saacad ah ku jiraan. Rooga waxa laga hinjiyay meesha uu yaalay, iyadoo laga shidaal qaadanayo cabir uu sameeyay Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada Abokor Sulub, kuna amray in wax yar dhinac looga jiido halkii markii hore lagu goglay oo uu xusay in aanu ku haboonayn.

Ka sokow arrimahaa dhinaca farsamada, marka la eego jawigii Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Daahir Rayaale oo uu xilka kala wareegay ku sugnaayeen way kala duwanaayeen.

Daahir Rayaale oo hadal aad loogu sacabiyay jeediyay, waxa ka muuqday dareen kalsooni ah iyo firfircooni, markii uu hadalka u baxayna ma haysan wax qoraal ah oo uu hore u soo diyaarsaday.

Marka la eego jawiga Axmed-Siilaanyo, waxa ka muuqday degenaansho, markii uu hadal uu daqiiqo kooban waday qaatayna waxa uu la soo baxay warqad yar oo kooban, taasoo sida muuqata uu ka raadraacayay qodobo uu si guud-mar ah uga hadlay.

Siilaanyo iyo Rayaale muddadii ay is garab fadhiyeen intii xafladdu socotay, waxay wadahadleen mar keliya oo ay eray kooban is dhaafsadeen.

Madaxweynaha loo dhaariyay hoggaaminta shanta sannadood ee soo socda, waxa markii uu hadalka qaatay ku soo khatimay inuu khudbadiisa u dhigan doono Arbacadda maanta oo uu khudbaddiisa qaranka jeedin doono, iyadoo Daahir Rayaalena ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu wayn tahay geedi-socodka Dimoqraadiyadda dalka iyo dawladnimada Somaliland oo uu sida muuqatay ka bilaabay waqtii marxuum Cigaal oo uu xusay in wax uu la wareegay aanu jirin.

Laakiin, labadooduba waxay ka sinaayeen iyadoo ay inta badan intii ay xafladda fadhiyeen ay aamusnaan ku dhamaysteen, marka laga tago dhoolacadayn kooban oo mararka qaarkood laga dareemayay.

Yaa ka mid ah golaha Xukuumadda cusub?

prof_ismaaciil_mumin

Hargeysa 28, July 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cadeeyay inuu maanta ku dhawaaqi doono golihiisa cusub ee Wasiirada.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay hadal kooban ka jeediyay munaasibadii lagu dhaariyay, waxa uu sheegay in sidoo kale uu maanta khudbad jeedin doono. “Insha Allaahu tacaalaa bari ayaan khudbadaydii aan qaranka u jeedinayaa, markaas oo aan ku dhawaaqi doono dawladayda xilka ila qabanaysay,” ayuu yidhi.

Ma cadda cida ay noqon doonaan xubnaha golaha cusub ee Wasiiradu, hase yeeshee waxa Wargeyska Ogaal u suurtagashay inuu helo magacyada dhawr xubnood oo la sheegay inay safka hore kaga jiraan liiska xukuumadda cusub.

Siday ilo xogogaal ahi sheegeen, xukuumadda cusub waxa ka mid ah Sacad Xaaji Cali Shire oo sida la sheegay lagu wado Wasiirka Maaliyadda, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo la sheegay in loo magacaabo Wasiirka Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo la sheegay in Wasiirka Daakhiliga loo magacaabayo iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar oo loo magacaabayo Wasiirka Khaarajiga.

Warku wuxuu intaa ku daray, inay golaha Wasiirada cusub ka mid noqon doonaan Axmed Muxumed Madar, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdilaahi Geel-jire iyo shaqsiyaad kale.

Waxa la sheegay in wasiirada cusub ay ka mid yihiin xubno qurbajoog ah oo aan magacyadooda la dhamaystirin,  kuwaasoo lagu sarjaray 19 xubnood, iyadoo guddigii talobixintuna soo jeedisay in 15 wasaaraddood laga dhigo.

Xubnaha kale ee la sheegay waxa ka mid ah; Xuseen Axmed Caydiid, Ismaaciil Muumin Aare, iyo laba nin oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed Siciid Cusmaan iyo Cabdi Ciise Faahiye.

Laascaanood: Dhacdooyin amni-daro oo galaaftay Taliyihii Booliska gobolka Sool

VIVITAR

Laascaanood- 28 July 2010(Ogaal):- Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa shalay xilkii ku wareejiyey Taliye cusub oo lagu beddalay, ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday.

Sida uu ku soo warramay Wariye Maxamed Shaqalle, Munaasabad xilka kula kala wareegeen labadaasi Taliye oo lagu qabtay Magaalada Taliska Booliska Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, taasoo ay ka qaybgaleen Maamulka Gobolka illaa heer degmo, Saraakiil kala duwan oo kala socday Ciidamada Booliska iyo kuwa Qaranka. Waxaana ugu horreyn halkaas hadal ka jeediyey Taliyihii hore ee qaybta Booliska Sool Maxamed Saleebaan Gooni, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu wareejinayo, isla markaana uu si fiican u soo dhawaynayo Taliyaha cusub ee xilka ka tirsanaya. Mr. Gooni waxa uu laamaha Booliska ee Gobolka u soo jeediyey inay si xil-kasnimo leh ula shaqeeyaan Taliyahooda cusub.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay qaybta Booliska Sool Axmed Maxamed Guutaale, oo sidoo kale, Xafladdaas uu xilka kula wareegayay ka hadlay, ayaa u mahadceliyey Taliyaha xilka uu beddalay, isla markaana, waxa uu ballan-qaaday inuu si hagar la’aan ah u gudan doono waajibaadka shaqo ee uu la wareegay, isaga oo xusay inuu sii amba-qaadi doono, awood badanna saari doono adkaynta iyo illaalinta nabadgalyada guud ahaanba Gobolka Sool, gaar ahaanna magaalo-madaxda Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadista Taliyaha ayaa timi ka dib, falal amni-darro Gobolkaas ka qaboobi waayeen, iyada oo xaaladda nabadgalyo ee Gobolka Sool ay tan iyo dabayaaqadii 2009 ka si daraysay, isla markaana, waxa weerarro qorshaysan oo dhimasho iyo dhaawacba gaystay si is daba-joog ah uga dhacayeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kuwaasoo galaaftay Taliyayaal Ciidamada ka tirsan, Masuuliyiinta Gobolka, Madax-dhaqmeed iyo dad la mid ah.

Powered by WordPress | Palm Pre Reviews at Palm Pre Blog. | Thanks to Juicers, Free MMO and Fat burning furnace