Shir Ay Isugu Yimaadeen Haweenka 16-ka Degmo Ee Gobolka Banaadir Iyo Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(Ramaas) July 31, 2010 -Kulan ay isuguyimaadeen Saraakiisha Ciidamda AMISOM iyo Haweenka 16-ka Degmo ee Gobalka Banaadir loogana hadlayay xaalada nabadgelyo ayaa shalay gelinki dambe waxa uu ka dhacay dugsiga tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo saaco badan qaatay ayaa labada dhinac waxa ay isla gorfeeyeen xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada [...]

