Hosted by Servage

Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada U Taagan (Maanso).
Asalaamu Calaykum

Ugu Horeyn waxaan salaamayaa Saxaafada iyo Dhamaan Shacab waynaha, aniga oo waayadan wadankii ka soo maqnaa, isla markaana jeclaystay qaabka wax waliba u dhamaadeen Doorashadii & Xilwareejintii iyo Qaabka Dawlada Cusub loo dhisayba oo dhamaan ku dhamaaday si hufan ayaan ka biyo diiday maqaalo tiro badan oo waliba waxgaradkii ummadda iyo aqoonyahankii ka imanaya oo dhamaantood u badan ama ku salaysan Beeshayadii waxba lama siin iyadoo taas ay ka fiicnayd malaa in dhaliishu ahaato magacyada dawlada la soo dhisay oo haddii aan dad munaasiba loo arkayn la yidhaahdo kaasi munaasib maaha ama hebel ayaan halkaas ku haboonayn.

Madaama aan taas wax ka hadlayaa jirin waxay iila muuqatay aragtidayda inaanay sax ahayn in qofku ku doodo haddii beeshaydu wax ka wayday dawladu caddaalad maaha waliba ay taasi gashay dadkii aqoonyahanka ahaa.

Aniga oo markaas dareenkayga taas ka cabiraya isla markaana caalamka iyo sida dadka lihi ee muwaadiniinta ahi wax uga qabsadeen dareemaya ayaan tixdan yaar ku cabiray mana ihi Abwaan sida dadka ninkii afar tiriyaaba u sheegto hadda ee marmar ayaan yara Tuuraa sida aad ka dareemi doontaan midhahaba.

Waxa uu yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin ay asxaab ahaayeen oo uu wadankii kaga yimi oo la Yidhaahdo Bashiir Cabdi Xariir:

Qiyaas gabay Bashiiroow baryahan Qaafkii maan tirine

Qalbigayga waataan ka jaray qodabadiisiiye

Qalin duure waaguu qaribay qaabadii dhigaye

Aan qotomiyo caawoo kalaan qun uga faalloone

Qurbahaan baryahan soo jiriyo,e Qaarad Eeshiye,e

Qorraxdaanu aragnaa dadkoo badiba qaafila,e

Qaybaa Aduunyadan ku nool Qoomkan Shiinaha,e

Qolo qolo ma sheegtaane waa Qaarad Waaxida,e

Qiimaha dhulkoodaad ka garan qaabka nololeede

Qusuur bay ka taageen Badiyo Qodanka Buuraaye

Qiiroo Nin tiisii ku qaday qaabadaan nahaye

Waaba laga Qashaafaa Arlada Qaabkan aan nahaye

Qoomu Somaal baa baanu nahay waa la Qariyaaye

Qardufkiyo habaaskiyo Ninkaa Qadow ka Heesaaya

Ee Waliba Qooqa u bukaa waa Qisiyo Yaabe

Allahayow Qaribanaa Maxay Quf iyo Ciin daaqday

Afartaa Qorsheeyee miyaan qaafki ka habaabay

Qadaf kuma hadlin saw murtida Qiimo uma yeelin

Qodob kalena waa qayb dadkaan uga qisoon doono

Qarfadiyo Miyaa lagu ogaa Qoloqolayn jaane

Waxaan qiilba loo helin markay Qalin ku doodaaye

Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada u taagan

Ee wada Qareenkiyo Diktoor qoranayee sheegtay

Ee Qurus ka waa Reer tolkay qiil ka dhiganaaya

Aqoon yahan Qarnigan soo baxaw waa Qisiyo yaabe

Allahayow Qaribanaa maxay Quf iyo Ciin daaqday

Afartaa Qorsheeyee miyaan Qaafki ka habaabay

Qadaf kuma hadlin saw Murtida Qiimo uma yeelin

Qodob kalena  waa waanadaan Qun uga Faalooday

Qorshihii Hashaa lagu qasimay Qaybihiyo feenka

Ninka qaatay kii kaba qadiyo kii qawadi doona

Qusumkaasi waa mudan yahee Qoomomo la,aada

Qadafkana ka Jira Qaranimaa Qoys ka Waafiyaha,e

Saalax Aw Muuse Xasan

Salah_mose@hotmail.com

Yiwu China

Shir Ay Isugu Yimaadeen Haweenka 16-ka Degmo Ee Gobolka Banaadir Iyo Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Muqdisho(Ramaas) July 31, 2010 -Kulan ay isuguyimaadeen Saraakiisha Ciidamda AMISOM iyo Haweenka 16-ka Degmo ee Gobalka Banaadir loogana hadlayay xaalada nabadgelyo ayaa shalay gelinki dambe waxa uu ka dhacay dugsiga tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saaco badan qaatay ayaa labada dhinac waxa ay isla gorfeeyeen xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan sidi nabad loogu soo celin lahaa magaalada.

Haweenka ayaa waxa ay soo bandhigeen Filim ka turjumaya xaaladda ay Haweenka iyo Carruurta barkacyaashu ku nool yihiin, filmkaa kadib ayaa waxa halkaa ka hadlay Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, General Michael Odengo.

Michael  ayaa ka hadlay sababaha ay u joogaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay u joogaan in ay caawiyaan ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Jeneralka ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada soo gaareysa shacbiga Soomaaliyeed, wxuxuuna kula dardaarmay Haweenka Soomaaliyeed in ay ubadkooda ka ilaaliyaan in ay ka qeybqaataan dagaalada ka soconaya Soomaaliya.

Sidoo kale, intuu socday kulankaasi waxa ka hadlay u qeybsanaha arrimaha bani'aadanimada Midowga Afrika, wuxuuna sheegay in dhowaan uu ka bilaabi doono magaalada Muqdisho mashaariic xagga horomarka iyo howlaha gargaarka ee ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa halkaa ka hadashay Drs. Caasha Cumar Gees-diir oo ah guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaanay u mahad celisay AMISOM, ka soo qaybgalkooda kulankan oo ah mid mid wax badan la isku waydaarsan karo iyo gargaarka caafimaad ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Ramaasnews Desk

Muqdisho-Somalia

Waa Guul U Soo Hoyatay Somaliland Qalinkii: Xamse Axmed Salaan – London
Marka hore waxa mahadleh Ilahay weyn ee ina abuuray,intaas ka dib Somaliland waxay soo martay marxalado kala dudan laga soo bilaabo markii aynu ka qaadaay xornimada dalkan Ingiriiska oo iminka mudo aad u badan laga joogo tasoo kadibna aynu si khaldan ula midoobney koonfurta Somalia oo wakhtigaa ay Somaliland horseed ka ahayd midnimo Somaliyeed lakiin ay inagu dhacdey wixii qofkastaa oo caqli lihi uu fahmi karo.

Markii Mujaahidiintii SNM ay dalka dib u xoreeyeey ka dib dagaalo farabadan oo aynu la galnay kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare inagoo soo ceshanay qaranimadeeni kuna dhaqnay Somaliland oo ka xor ah Somaliya inteeda kale.

Somaliland waxa ay maanta sameysay waxa aduunku inagaga daydo oo weliba dalalka aynu jaarka nahay ayna sameynkarin waxa aynu sameynay oo ah in dadku codkooda ku dhiibtaan si nabad ah iyadoo caalamka si toosa looga daawanaayey sida quruxda badan ee dadku ay codkooda ku dhibanayeen iyo safafka dhaadheer ee ay dadku kujireen mudo farabadan oo weliba dadku ay taagnayeen meelo milic ah oo aad u kulul.

Waxa aynu maanta ku talaabsaney horumar lataaban karo oo u bahan in hore losii socdo lana xoojiyo nabada iyo horumarka dalka waxaanan Insha Allah rajeynaynaa in cida ku guuleysata xukunka ay dalka ku hogaamiso horumar iyo cadaalad.hadii maanta dalkiina doorashadaa ka dhacdey si wanagsan ku dhamaato waxa aynu ku talaabsaney horemar weyn oo aan la ilaawi doonin tasoo noqon doonta wax tariikhdu xusto.

TALO. waxa aan kula talin lahaa in sadexda Xisbi qaran  in ay ka taliyaan masiirka dadka iyo kalka ogaadaana in manta cadowgeenu uu meelwalba inaga xigo ayna  si wanagsan u wada shaqeeyaan oo hadii xukumada maanta jirtaa ay hesho mardanbe inay xukunka kusoo noqoto ay xisbiyada mucaradku ku hanbalyeeyaan sidaasoo kale hadii xisbiyada mucaaridku helaan in si wanagsan awooda loola kala wereego oo ay ku dheehen tahay wanaag iyo ixtiraam.

SOMALILAND GUUL.

Hamse Ahmed Salaan

London

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay inay Guulo ka gaareen dagaaladii ka socday Waqooyiga Muqdisho iyo Deegaano dhowr ah oo uu sheegay inay ka qabsadeen Al-Shabaab.
Muqdisho(Ramaas) July29, 2010 – Afhayeenka ciidamada Midawga Africa ee ka hawl gala gudaha Somalia Maj. Barigye Ba-Hoku oo u waramayay wargeyska  The New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa waxaa uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaaladuu ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka waqooyi ee gobolka Banaadir waxaana uu shaaca ka qaaday inay la wareegeen ku dhawaad lix gobood oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalayahanada Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Xisbul Islam.

Maj. Barigye Ba-Hoku waxaa uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ay u suuro galisay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada inay dib ula wareegaan gobo hor leh oo ay ka mid yihiin dhismaha Hotelkii Jubba, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo goobo kale oo ay dhawaan qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabab.

“Waxaanu horumar ka sameynay dagaaladuu ugu dambeeyay ee aan la galnay Al-Shabab iyo Xisbul Islam haddana ciidamadeena oo ay la socdaan ciidamada qaranka Somalia ayaa jooga dhawr goobood oo ay maalmo ka hor iyagu joogeen” ayuu yiri Maj. Barigye Ba-Hoku afhayeenka ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga.

Hadalkaan kasoo baxay ciidamada Midawga Africa ee jooga magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu imaanaaya xilli dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ay guulo ka sheegayaan dagaaladii dhacay, waxaana arrintani imaaneysaa xilli dhawan lagu wado in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan ciidamo ka socda wadamada Jibuuti,Uganda iyo Guinea kuwasoo ka mid noqon doona ciidamada AMISOM.

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Ramaasnews Reporter

Muqdisho, Somalia

Dowladda Yeman Ayaa Labadii Toddobaad Ee Ugu Dambeysay Oo Baaritaano Ku Haysay Qaxootiga Soomaaliyeed.
Sanca(Ramaas) July 29, 2010 – Dowladda Yeman ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay waxay si aad ah u koontrooleysaa dhaqdhaqaaqyada Soomaalida degan dalkeeda, iyadoo ciidamada ammaanka dowladda Yeman ay xabsiyada dalkaasi dhigeen in ka badan 200-qof oo Soomaali ah, isla markaana su'aalo laga weydiinayo ujeedooyinka ay dalkaasi u yimaadeen, hase yeeshee inta badan dadka la qabqabtay oo aan heysan sharciga ay dalka ku joogaan ayaa lagu eedeeyay inay dalka sharci darro ku galeen.

Sarkaal u hadlay Booliska dalka Yeman ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ku xirxireen dadka u dhashay Soomaalida ay baaritaano ku sameynayaan qaabka ay ku joogaan dalka, waxa uuna Sarkaalkaasi sheegay in howlahaasi ay yihiin kuwo lagu adkeynayo amniga dalka, bacdamaa horay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta horay u sheegtay inay gacan siineyso kooxaha hubeysan ee dagaalada ka wada Yeman.

Guddoomiyaha Jaaliyadda qaxootiga Soomaalida Yeman Md.Maxamed Diiriye ayaa sheegay in 27-kun qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku jira xerada qaxootiga degaanka Basaatiin oo ka tirsan magaalada Cadan ay soo food saartay xaalad nolol xumo oo aad u liidata, wuxuuna sheegay in qaxootigaasi oo aan heysan sharciga wadanka Yeman ay cabsi nololeed la soo gudboonaatay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha xerada qaxootiga Soomaalida ah in dadkaasi aanay tegi karin magaalooyinka iyo gobolada dalka Yeman, waxa uuna sheegay in ciidamada Dowladda Yeman ay qabanayaan cid kasta oo aan wadan warqad aqoonsi ah, isagoo sheegay in arrintaasi uu kulan kala yeeshay odayaasha Cadan inay Dowladda Yeman ka dhaadhiciyaan sidii ay uga dulqaadi lahayd culeyska ay ku heyso Soomaalida.

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Ramaasnews Reporter

Muqdisho, Somalia

Dawlada Koonfur Afrika Oo Ka Baaraandageysa Inay Ciidamadeeda U Dirto Dalka Soomaaliya.
Johannesburg(Ramaas) July 30, 2010 – Dawlada dalka Koonfur Afrika ayaa ka baaraandageysa in ay ciidamo isugu jira kuwa badda iyo ciidamo military u dirto dalka Soomaaliya si loo xoojiyo ciidamada midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM, sidaasi waxaa yiri wasiirka difaaca ee dowlada Koonfur Afrika haweyneyda lagu magacaabo Lindiwe Nonceba Sisulu.

Wasiirada Difaaca ee dalka koonfur afrika Lindiwe Sisulu, ayaa waxa ay shaaca ka qaadey in uusan jirin codsi gaar ah oo uga yimid midowga Afrika, laakin ay ka go’an tahay dowlada koonfur afrika in ay caawiyaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaliya,iyadoo intaasi ku dartey in haddii Koonfur Afrika ay diido codsiga uga yimaada midowga afrika ay meel ka dhac ku noqon doonto dawlada Koonfur Afrika oo qaarada Afrika sharaf iyo xurmo intaba kuleh, waa sida hadalka u dhigtayee.

Mar ay wasiirada difaaca Lindiwe is barbardhigeysay ciidamo u dirista Somaliya iyo ciidamadii ay u direen dalalka Congo iyo Sudan ayey sheegtay inaan la isu barbardhigi Karin oo xaladaha ka kala taagan wadanka Soomaaliya iyo wadamadaasi ay aad u kala duwan yihiin, sidaas awgeedna ay dowlada Koonfur Afrika u baahan tahay inay fahanto waxa ka dhacaya Somalia inta ay le’eg yihiin iyadoo markaasi sheegtey in arrinta ay hada u taalo madaxweynaha koonfur afrika Jakob Zuma, iyadoo intaasi ku dartay in madaxweynaha uu arintaan go’aan ka soo saarayo sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo qodobkan la hor dhigi doona golaha wasiirada.

Haweyndaasi wasiirada ah ayaa wax ay u muuqatey mid ka caga jiideysa inay u ololeyso in ciidamo koonfurka afrika u dhashay la geeyo somaliya, iyadoo dhanka kalena sheegtay in hadiiba ciidamo la dirayo la raacin doono kuwa badda si ay markaasi ula dagalamaan burcad badeeda soomaalida.

Waxaa sidoo kale wasiirka ku xigeenka wasaarada difaaca ee dalka koonfur afrika ninka lagu magacaabo Thabang Makwetla isna sheegay in ciidamada ay Koonfur Afrika u dirtay dalalka Congo iyo Sudan ay yihiin kuwa nabada illaaliya, halka haddii ay noqoto in dowlada koonfur afrika ay ciidamo u dirto Somalia ay noqonayaaan ciidamadaas kuwa dhaqan geliya nabada.

Si kastaba ha ahaatee, arintan ayaa waxa ay dad badan isweydiinayaan hadii ciidamado ay dowlada koonfur afrika u dirto soomaalida oo markaasi askari ka mid ah lagu dilo halkaasi xaalada soomaalida south afrika ku nool maxey noqon doontaa, waa tan iyagoon waxba galabsan la iska dilo habeen iyo maalinba.

Cabdinasir Soomane

E-mail: Abdinasirsoomane@yahoo.com

Shabakada Ramaasnews.com

Johannesburg, South Africa.

Laba Mudaharaad Oo Iska Soo Horjeeda Oo Maanta Ka Wada Dhacay Boorama.
Boorama(Ramaas) July 30, 2010 – Laba mudaharaad oo kala dambeeyay oo kan hore lagaga soo horjeeday qaabka saamiqaysiga golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay madaxwayne Siilaanyo ee ku salaysan beelaha iyo mid kale oo kan hore ka dambeeyay oo lagu taageersan yahay xukuumada lagagana soo horjeedo mudaharaadkan hore ayaa maanta ka wada dhacay magaalada Boorama.  Riix Halkan Si Aad U Sii Akhrido Una Daawato Sawiro .

Madaxweynaha Cusub oo maanta Magacaabay laba Xil oo Muhiim u ah hawlaha Madaxtooyada
Hargeysa 29, July 2010 (Ogaal)- Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay laba xubnood oo madaxweynuhu magacaabay. Xubnahan cusub oo noqonaya hawl-wadeennada ugu muhiimsan xarunta madaxtooyada ayaa kala ah Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ah Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa bannaan ee Saxansaxo iyo Xirsi Cali X. Xasan oo ah Mareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada ayaa ku dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray laba xeer oo uu ku kala magacaabay labadan masuul ee hoos ku xusan, kuwaasi oo kala qaban doona Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

1. Mudane, Xirsi Cali X. Xassan oo uu u magacaabay inuu noqdo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.

2. Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu u magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada.

Allaa Mahad Leh,

Maamulka Xafiiska Madaxweynaha JSL”

Hello world!
Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start blogging!